79 entries

Articles Published in July, 2017

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso

Reysal Wasaare Kheyre oo Addis Ababa u Ambabaxay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo noqonaya safarkii labaad oo uu ku tago muddo bil gudahood.

Ingriiska oo Raba in Dib Loo Billaabo Wada-hadalladii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Amb. David Concar ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka ku dhawaaqay gooni isu taagga ee Somaliland.

Shabaab oo la Sheegey inay Qaraxyada u Adeegsadaan Hub ay Qabsadeen

Baaritaan lagu sameeyay qaraxyada Al -shabaab ay ka geysato gudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu ogaaday hubka ugu badan oo ay u adeegsadaan weerarada inay yihiin hubkii ay kooxdaasi ka furatay ciidamada AMISOM.

Mareykanka oo Duqeyn ka Fuliyay Soomaaliya

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shalay duqayn ka gaysatay Soomaaliya. Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ayaa VOA u sheegay in hawlgalkan la fuliyey isla markaana qiimayn lagu samaynayo natiijada weerarka.

Dagaal ka dhacay Gedo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab, kaasoo ka dhacay deegaan dulleedka uga beegan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Shariif Xasan oo Soo Dhaweyey Go'aanka Mareykanka ee Abuu Mansuur

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii dowladda Mareykanka uga xaaqay xayiraadii saarneyd Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in arintaasi tahay mid soo dhaweyn mudan.

Weerar Hoobiye oo Muqdisho Qof ku Diley

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay hoobiyaal lagu tuuray qaybo ka mid ah magaalada.

Jabuuti oo Dalbatay in Goobjoogayaal loo Diro Xadka ay Eritrea la Wadaagto

Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters dowladda Jabuuti ayaa ka dalbatay Ururka midowga Africa in goob joogayaal u diraan xuduudda muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago Eriteria
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS