ugu danbeeyay howlgalkii Pizza House ee la soo gabagabeeyay

Dowladda Qadar ayaa ciidamadeeda Nabad-ilaalinta ah kala soo baxday xadka u dhexeeya wadamada Jabuuti iyo Eritrea, kadib markii labada wadan ee ku yaalla bariga Africa ay la safteen dalka Sacuudiga.

ugu danbeeyay howlgalkii Pizza House ee la soo gabagabeeyay

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar, wax sabab ah kama uusan bixin, balse arrintan ayaa imaaneysa xili xiisad diplomaasiyadeed iyo cunaqabateen ay la kulmeyso xukuumadda Doha.

Sida laga soo xigtay hay’adda UN Monitoring group, dowladda Qatar ayaa 200 oo askari ay ka joogaan xadka labada wadan, kuwaas oo nabada ilaalinaya. Sidoo kale ciidamada ayaa ka qeyb-qaadanayay wada hadalo iyo dhex-dhexaadin.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Dowlada Qadar

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS