Gaari ay leeyihiin AMISOM oo dab ku qabsaday agagaarka Isgoyska KM4 (Sawirro)

Gaari kuwa qafilan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku gubanaya agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo wajahday cilad dhanka Dabka ah.

Gaari ay leeyihiin AMISOM oo dab ku qabsaday agagaarka Isgoyska KM4 (Sawirro)

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka mid ahaa kolonyo ciidan oo ay wateen AMISOM, kaasoo ka yimid dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Taliyaha Booliska Qeybta Waliyow Cadde Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in gaariga dabka qabsaday uu ka dhashay cilad dhanka dab ah oo aheyd maanso ka kacday gudaha gaariga.

Gawaarida dab damiska ayaa xilligan ka qeyb qaadanaya daminta dabka ka kacay gaariga ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  KM4 muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS