Qaar ka mid ah 15-kii Guddoomiye degmo ee todobaad ka hor laga qaaday xilalkii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in degmada Cadaado ka wadaan olole ku aadan sidii ay uga mid noqon lahaayeen maamulka Galmudug
Gaari kuwa qafilan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku gubanaya agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo wajahday cilad dhanka Dabka ah.
Ciidamada wadajirka ah ee loogu magac daray Xasilinta Muqdisho ayaa howl gal xalay ay ka sameeyeen degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku qabteen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Maamulka Puntland ayaa kala diray ciidamo ku sugnaa koontarooladii uu ka soo gudbay gaari qarax siday, kaasoo arbacadii la soo dhaafay lagu qabtay duleedka magaalada Boosaaso.
Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ka hor-yimid qaabka uu u socdo howlgalada hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in hal gobol kaliya la bartilmaameedsanayo.
Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Amaan duulaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Africa iyo ku xigeynkiisa ayaa Magacaabay Taliyaha Gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka ee Howlgalka ka wada Soomaaliya.