81 entries

Articles Published in May, 2017

Madaxweynaha oo soo gaabiyay booqashadiisa Addis Ababa, kadib dilkii Wasiir Cabaas

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gaabinaya booqashadiisa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu maanta gaaray. 

Inta badan Wasiirada Xukuumadda oo la sheegay in dayacaad amni lagu sameeyay (Warbixin)

Qubaro dhinaca ammaanka iyo xubno xilal horay u soo qabtay ayaa su’aal ka keenaya sida xilligan u dayacan yihiin qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Jubbaland oo dalbatay in baaritaan baahsan lagu sameeyo dilkii Wasiir Cabaas

Maamulka Jubbaland ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo guriyeynta Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay afaafka hore ee Madaxtooyada.

Sheekh Shaakir “Nama quseyso doorashadii Cadaado, Xaaf waxaa ku ogaa Ganacsade”

Madaxweynaha Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in aysan quseyn doorashadii shalay ka dhacday degmada Cadaado, kaasoo Madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen.

Maxkamadda Ciidamada oo u digtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa digniin u dirtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda oo lagu eedeeyay inay qal qal gelin ku hayaan shacabka, xilliyada ay waddooyinka marayaan.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo Guddi u saaray arrinta biyo xireenka wabiyada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay safarkii wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo ee booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka

Warar laga helayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah oo albaabada u xiran uu xilligan u socdo  Golaha Wasiirada Soomaaliya

Hanti dhowrka Guud oo ku gacan seyray xil ka qaadistii Golaha Wasiirada

Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo caawa Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada.

Donald Trump oo ka hadlay askarigii Mareykanka ee lagu dilay Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay askari ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo lagu dilay Soomaaliya, xilli Ciidamada Mareykanka ka qeyb qaadanayeen howl gal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Gobolka Shabeellaha Hoose.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS