Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe ee G/Shabeelaha Hoose.

Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhaw Gaaray Magaalada Baraawe ee G/Sh/Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe ee G/Shabeelaha Hoose.

Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye Ku Xigeynka Degmada Baraawe ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha iyo Xubno ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulkaasi Koonfur Galbeed ay soo Gaareen Baraawe.

Wafdiga ayaa hadda wada Kormeer ay ku tagayaan Xarumaha Ciidanka iyo Xrumaha Maamulka Degmada waxaana Hakad ku jira isku socodka Gaadiidka iyo Dadka.

Baraawe waa Xarunta Maamulka Koonfur oo hadda Si Kumeel Gaar ah udaggan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS