Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay Qarax loo dhigay Wafdi uu la socday

 Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida Culimadda Soomaaliyeed islamarkaana Xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Qaran oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wafdi isugu jira Guddiga Gurmadka Abaaraha,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socota Dowladda Imaaraadka Carabta oo Marayay Degaanka Sarkuusta ee Duleedka Muqdisho loo dhigay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Qarax Miino.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay Qarax loo dhigay Wafdi uu la socday

Sheekh Nuur Baaruud ayaa sheegay in Qaraxu uu Haleelay mid kamida Gaadiidkii ay wateen,balse Qaraxa aysan Qofna wax ku noqon.

“Haah waa jiraa Qaraxa waxaa uu ahaa Miino la dhigay Wadada dhinaceeda,waxaa uu Burbur ka soo gaaray Gaari aan wadanay, Ma jirto Cid wax ku noqotay”ayuu KNN u sheegay Sheekh Nuur.

Wafdiga Qaraxa loo dhigay ayaa ka baxay Magaalada Muqdisho,waxaana ay ku siijeedeen Degaanka Garasbaaley oo ay degen yihiin  Boqolaal Qoys oo ka soo Cararay Abaarta ka jirta Dalka,balse Wafdiga la weeraray waxaa ay dib ugu soo laabteen Muqdisho,iyagoo baajiyay Safarkoodii.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Duleedka Muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS