Galmudug iyo Ahlusuna oo wada hadalo uga furmaya Muqdisho

Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu wada hadal uga furmo magaalada Muqdisho.

Galmudug iyo Ahlusuna oo wada hadalo uga furmaya Muqdisho

Wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka labada dhianc u dhaxeeya, isla markaana ku dhistaan maamul mideysan.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa wada hadalada ku matalaya Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, halka dhanka Ahlusuna uu hoggaaminayo Madaxweynaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.

Wada hadalkan ayaa soconaya illaa 17-ka bishan, iyadoo mudada 5-ta maalmood xal looga gaarayo wixii khilaaf iyo tabasho labada dhinac ah, waxaana gaba gabada laga soo saarayaa war murtiyeed.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku gaaray Cadaado heshiis ku saabsanaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha, lana qabto 30-ka bishan.

Ahlusuna ayaa horay uga soo horjeeday Maamulka Galmudug, iyadoo xustay in dowladdii Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay waxyaabo badan uga hiilisay maamulka Galmudug, isla markaana xuquuqo ay lahaayeen aysan siin.

Tan iyo markii uu is casilay Madaxweynihii Galmudug C/kariin Guuleed ayaa waxaa soo baxday fursad lagu mideyn karo labada maamul, waxaana socda dadaalo la doonayo in maamul labada dhinac u dhan yihiin la dhiso.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  ahlu Galmudug iyo suna

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS