Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka oo ka bad baaday weerar ismiidaamin ah

Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa goor dhow ka bad baaday isku day dil, kaddib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday kolonyo uu la socday.

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka oo ka bad baaday weerar ismiidaamin ah

Sida ay sheegayaan wararka gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftii hure ah ayaa ku dhiftay gaariga uu saarnaa Taliyaha oo ahaa kuwa aan xabadaha karin.

Kolonyada uu la socday Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka soo baxay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana lagu weeraray inta u dhaxeysa xarunta Wasaaradda iyo Kulyaddii Jaalle Siyaad.

Qaraxa ayaa dhacay, wax yar kaddib markii Kolonyada Taliyaha ay ka soo baxday Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo ay ka dhacday Munaasabada xil wareejinta Taliyaha cusub iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inuu bad qabo Taliyaha ciidamada xoogga dalka, isla markaana aanu waxba soo gaarin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ilaaladiisa ay ku dhinteen, waxaana jira dad kale oo rayid ah oo wadada marayay oo iyana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Gaariga Taliyaha saarnaa oo ahaa kuwa aan xabadaha karin ayaa waxaa soo gaaray bur bur aad xooggan.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Cirfiid Jimcaale

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS