DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhaxay meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga

Sida ay sheegayaan wararka kolonyada ciidan ayaa ka soo baxday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo maanta ay ka dhacday munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka iyo Abaanduulaha Ciidamada xoogga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kolonyada ciidan la weeraray, markii ay ka soo baxeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, markii ay soo gaba gabowday munaasabada xil wareejinta.

Uuro iyo qiic ayaa laga arkayay goobta qaraxa ka dhacay oo ku dhoweyd xarunta Wasaaradda Gaashaandhiggay

Lama oga saraakiisha la bartilmaameedsaday cida ay ahaayeen iyo magacyadooda, waxaase la soo warinayaa inuu jiro khasaare.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  muqdisho qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS