82 entries

Articles Published in April, 2017

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeybgalay xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda (Sawiro)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kaddib munaasabad ka dhacday maanta dhacday.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

  Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozda ayaa iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso

Emory School of Medicine Harvey Health Podcast Episode 3: Shortness of Breath

In this third episode Harvey Societies' Bryanna Williams interviews Dr. Alan Plummer, MD, FCCP on the subject of shortness of breath. Together they cover the topics of some common illness that cause shortness of breath, when to go see a doctor, and what are some things you can do at home to help with your shortness of breath. The Harvey Health podcast is a collaborative health education project between Sagal Radio, the Clarkston Community Health Center, and Harvey Society at Emory University School of Medicine. 
Harvey Health Podcast Episode 3: Shortness of Breath

Heshiiska Dekeda Boosaaso lagu wareejinayo oo maanta lagu saxiixayo Abu Dhabi

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu ku saxiixo magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Heshiiska Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda DP World.

Dib u dhac laga yaabo inuu ku yimaado doorashada Madaxweynaha Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in la filayo in dib u dhac ku yimaado xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha oo horay loogu asteeyay inay dhacdo 10-ka bishan oo ay ka harsan yihiin afar maalmood.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

asiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Abdusalam Hadliye Omer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS