Wasiir Diini oo kormeer ku tagay Xerada Milateri ee Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera

Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer ku tagey Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, halkaasoo noqon doonta xarun lagu tababari doono Ciidamada  iyo Saraakiisha xoogga dalka.

Wasiir Diini oo kormeer ku tagay Xerada Milateri ee Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera

Xaruntan ayaa qaab casri ah loo dhisay, iyadoo ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan Milateriga Turkiga oo soo dhoweeyay Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxaana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban yahay dhismaha xaruntan.

Wasiir Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay dhismaha Xaruntani  ay door weyn  ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan.

Turkiga ayaa dhowaan sheegay inuu saldhig Milateri ka dhisanayo Soomaaliya, kaasoo lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya, waxaana saldhigan uu noqonayaa kii u horeeyay ee gudaha Soomaaliya ka furtaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Diini Wasiir

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS