Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gargaarka sama falka ee UK siineyso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ah mid hal maalin ah, waxaa la filayaa inuu shir jaraa’id kaga hadlo safarkiisa.

Kulankii maanta ka dhacay Villa Somalia ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, taasi oo la micno ah in Wasaaraddaasi aaney wax howl iyo la socodsiin lala sameyn imaanshiyaha Boris Johnson.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Dibada muqdisho Uk Wasiirka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS