82 entries

Articles Published in March, 2017

Farmaajo “Al-Shabaab waqtigooda waa dhamaaday, hal lug ayay ku taagan yihiin, lugtaasna waa u bixineynaa”

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay dowladdiisa ay xoogga saari doonto la dagaalanka Al-Shabaab iyo musuq maasuqa, kaasoo uu tilmaamay inay ka mid yihiin labo caqabad oo lid ku ah dowladnimada.

R/Wasaare Kheyre “Xukuumadeyda waxaa hal-beeg u noqon doonta Hal-heyskii R/Wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen”

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Mid ka mid ah macalimiinta Muqdisho oo ku dhintey qarax gaarigiisa loogu xirey

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhigta iskuulada ku yaal magaalada Muqdisho ayaa ku dhintey qarax loogu xirey gaarigiisa xilli uu shaqo tegeyay saaka degmada Dharkeynley.

Siyaad Maxamuud Shire oo la sheegayo inuu iska casilay xilkii Madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxii Hab Maamuuska ama Protocol-ka Madaxtooyada Siyaad Maxamuud Shire uu xilkaas iska casilay.

Ra’iisul Wasaaraha “Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay ka turjumi doontaa rabitaanka shacabka”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay wada tashiyo uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada cusub, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto inuu ku soo magacaabo Xukuumadda illaa 30-ka bisha March.

Qaar ka mid ah Qoyska Madaxweynihii hore ee Somalia oo maanta ka dhoofay Muqdisho

Qoyska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, kuwaasoo horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho.

Kenya oo sheegtay in 57 dagaalyahan ka dishay Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in illaa 57 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen weerar qorsheysan oo shalay ka dhacay Jubadda Hoose.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulankii u horeeyay la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku eedeeyay dowladaha deriska inay hub siiyaan maamulada dalka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladaha deriska ah inay hub siiyaan Hub, isagoo arrintan ku tilmaamay mid sharci darro.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

  Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS