Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xalay ku timid Jenaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in marmuumka uu ahaa nin u huray naftiisa u adeegida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo ka mid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo. AAMIIN” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaankan oo ahaa Mudanihii ka maqnaa doorashadii Madaxweynaha ee todobaadkii hore ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Siciid oo ahaa xubin ka mid ah guddigii difaaca ee Baarlamaankii 9aad, waxaana markii ugu horreysay uu soo galay Barlamaanka Federaalka sanadkii 2012.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS