Dabbaal dagga guusha Farmaajo oo khasaare geystay

Ayadoo caasimada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka iyo dibada ahba looga dabbaal dagay xalay guusha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku guuleystay doorashadii xilka madaxweynenimo ayaa khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh ay dabbaaldagyadu geysteen magaalooyinka dalka qaar.


Dabbaal dagga guusha Farmaajo oo khasaare geystay

Magaalada Caabudwaaq xalay hal qof ayaa ku dhintay kadib markii ay ku dhacday xabbad ka mid ah kuwii loo riday dabbaal dagga awgii. Waxaa sidoo kale xabbadaha ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxaa iyana ku dhaawacmay hal ruux kadib markii xabbado dabbaal dag ah la ganay.

Haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ayaa wali waxaa lagu soo waramayaa in u dabbaal dagga madaxwenaha cusub Mr. Farmaajo uu wali ka socdo qeybo ka tirsan caasimada Muqdisho.

Dhanka kale, meelaha dibadda dalka ah ee dabbaal daggu ka dhacay waxaa kujirta caasimada Nairobi. 

Islii Nairobi ayaa xalay aad loogu dabbaal dagay guushii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. 

Muhaajiriin badan oo gaaraya tobanaan kun ayaa ku nool xaafada Islii kuwaasoo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka saoo baxsaday laga soo bilaabo 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay. 

Xalay waddooyinka Islii ayaa saacado badan ay ku dabbaal dagayeen ayagoo waddooyinka isugu soo baxay hal ku dhagyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ku taageerayaana qaadayay.  Qaar ayaa gawaari watay isla markaana hoonka yeerinaayay. 

Farmaajo ayaa intii raisul wasaaraha uu ka ahaa dawladii Sheekh Shariif kasbaday kalsoonida Soomaalida kadib markii uu muujiyay wax qabad ay la dhaceen. 

Doorashadii dhacday shalay intii uu ololaha ugusoo jiray ayaa ballan qaadkiisu ahaa inuu dalka iyo danta Soomaaliyeed wax tari doono.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  doorashdii muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS