Cawad oo difaacay Xasuuqa AMISOM ee Shacabka

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa difaacay gaboodfallada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ee ay geystaan Ciidanka AMISOM ee jooga Dalka.

Cawad oo difaacay Xasuuqa AMISOM ee Shacabka

Guddoomiye Cawad ayaa ku tilmaamay dilalka ay AMISOM u geysato shacabka Soomaaliyeed mid ay buun buuniyaan Soomaalida,islamarkaana ay tahay wax laga habboon yahay.

Cawad,ayaa ku dooday in dilal la mid ah kuwa AMISOM ay geystaan Ciidanka Dowladda,aanna la buun buunin sida kuwa AMISOM loo sheeg sheego sida uu hadalka u dhigay.

Shilalka ay geystaan AMISOM iyo Ciidanka Dowladda uu sheegay in ay isku midyihiin,waxaana uu isaga oo ka hadlayay Nairobi sheegay in Somalidaba ay Nairobi dad ku jiirto loona raacan.

Hey’adda u dooda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch,ayaa warbixin ay soo saratay kaga dalbatay AMISOM in ay shaaciso halka ay ku dambeeyeen kiisaska dilalka ah ee ay u geysteen shacabka,waxaana ay xaquuq laga aamusay ku tilmaantay dilkii 14 qof oo shacab ay ay u geysteen Ciidanka AMISOM degaanka Wardiinlle ee Gobollka Baay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Cawad

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS