Qarax khasaare sababay oo ka dhacay goor dhaw oo maanta ah degmada Buurhakaba

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaala degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay goor dhaw oo maanta ah degmada Buurhakaba

Goob goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay.

Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Buurhakaba Max’ed Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu sababay dhacaawa  caruur sida uu sheegay ku sugnaa suuqa, isaga oo intaa ku darray in caruurtan dhaawaca soo gaaray ahaayeen kuwa calaamadeeya xoolaha suuqa la keeno.

Ciidamada dowladda ayaa halkaa ka bilaabay baaritaano la xiriira qaraxa mana jirto ilaa iyo hada cid loo qabtay.

Ugu danbeyntii Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Buurhakaba

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2017/Jan/wararka_maanta23-129458.htm#sthash.GjNPpJw3.dpuf

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS