Doorashada guddoonka aqalka sare oo maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Aqalka Sare, ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka.

Doorashada guddoonka aqalka sare oo maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho

Xilka guddoomiyaha gollaha aqalka sare waxaa ku loolami doona xildhibaan Cabdi Xaanshi C/llaahi iyo Mustaf Max’ed Qodax.

Guud ahaan musharixiinta xilka guddoonka baarlamaanka u taagan oo gaaray 16 Mushara 2 ka mid ah waxaa ay u tartamayaan xilka guddoomiyaha gollaha,  7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad, halka  7 kalena  u tartamayaan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad.

Ilaa maanta ayaa lagu wadaa in gabi ahaan la soo gabagabeeyo doorashada guddoonka aqalka sare sida ay sheegeen gudiga qaban-qaabada doorashada.

Hadaba natiijada doorashada mar walba kala soco halkan

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Aqalka Dalka ee Sare

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS