4 entries

Articles Published on January 16, 2017

Trump oo dagaalkii Ciraaq khalad ku tilmaamay

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa khalad ku tilmaamay dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ee xukunka looga tuuray Saadaam Xuseen, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu ahaa go'aankii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka.

Sideed qof oo la dhaqaale ah 3.6 bilyan oo qof

Sideeda qof ee ugu taajirsan dunida ayaa haysta dhaqaale la mid ah midka ay haystaan 3.6 bilyan oo qof oo ah kala bar dadka ugu saboolsan dunida, sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay hay'adda Oxfam.

Kyrgyzstan: Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday guryo

Diyaarad xamuul oo Turkiga laga leeyahay oo ka soo duushay Hong Kong ayaa ku dhacday Kyrgyzstan, iyadoo dishay 37 qof, oo intooda badan ay joogeen dhulka, ayay sheegeen masuuliyiinta.

Baarlamaanka Turkiga oo taageeray in awoodo dheeraad ah la siiyo Erdogan

Baarlamaanka Turkiga ayaa si hordhac ah u meelmariyay dastuur cusub oo awoodo dheeraad ah siin doona madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS