Askarigii dilay taliye ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo gacanta lagu dhigay

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyay dilka taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. 


Askarigii dilay taliye ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo gacanta lagu dhigay

Askariga ayaa la sheegay in lagu qabtay shalay gelinkii dambe degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, sida saraakiil madaxtooyada ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Saraakiisha waxay sheegeen in askariga uu doonayay inuu ka baxsadaa gacanta dowladda, balse ciidamada xooga dalka u suuro gashay inay gacanta ku dhigaan.

Sabtidii lasoo dhaafay oo aheyd maalintii ugu dambeysay bisha December ee sanadkii 2016 ayaa askarigan wuxuu madaxtooyada dhexdeeda ku dilay Cabdi Cabdulle Qoorgaab oo ahaa taliye ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada.

Saraakiisha madaxtooyada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin sida laga yeelayo asakriga gacanta lagu soo dhigay, laakiin waxaa marar badan dhacday in xukun dil ah lagu ridaa askar horey dilal u geysatay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS