Weerar xalay ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala Magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay ay dabley hubeysan weerar ku soo qaadeen bar kontarool oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen magaalada Jowhar.

Weerar xalay ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala Magaalada Jowhar

Dableydan ayaa weerartay kontaroolka laga soo galo magaalada Jowhar ee dhinaca Waqooyi iyadoo halkaa dagaal xoog leh uu ka dhacay.

Illaa iyo hadda lama oga qasaare ka dhashay dagaalka hase yeeshee ciidamadii ku sugnaa barta kontarool ayaa sida ay wararku sheegayeen iska caabiyay weerarkii lagu soo qaaday. Dhawaaqa  rasaasta la isu adeegsaday iska horimaadkan ayaa laga maqlay magaalada Jowhar iyo deegaanada ku dhow dhow.

Weerarkan ayaanay jirin weli cid ka hadashay iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay ay jirtey cabsi laga qabay in ururka Alshabaab uu weerar ku soo qaado magaalada Jowhar.

Weerarka lagu soo qaaday magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmay xilli ay madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeelle ay ka maqan yihiin magaalada iyadoo Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Jowhar

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS