Guddoomiyaha gudiga doorashada baarlamaanka oo faah faahin ka bixiyay howlahooda shaqo

Guddoomiyaha gudiga doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya  Dr C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlaha shaqo gudiga doorashada uu madaxda ka yahay.

Guddoomiyaha gudiga doorashada baarlamaanka oo faah faahin ka bixiyay howlahooda shaqo

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in howshoodii ugu horeysay ee diiwaan-galinta musharixiinta maanta bilaabeen, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin cid ay diiwaan-galiyeen marka laga reebo sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad u yimid oo wax ka weydiiyay sharuudaha leyska doonayo.

Dr Beyle oo dhinaca kale wax laga weyiiyay sharciyada lacagaha lagu xiray musharixiinta in ay bixiyaan ayaa sheegay in aysan aheyn arin ku cusub xeer hoosaadka baarlamaanka  laakiin marar badan oo hore lagu soo dhaqmay, isaga oo intaa ku daray in lacagahan yihiin kuwii lagu socodsiin doono howlaha shaqo ee doorashada.

‘’Dabcan lacagaha lagu xiray musharixiinta iyo sharuudaha kale ee qibrada iyo aqoonta ay ka mid tahay  waa wax mudo dheer lagu soo dhaqmayay,  waana xeer hoosaad horay loogu hishiiyay, talaabo kasta oo la qaadayana waxaa sharci ah in baarlamaanku go’aamiyo,  sidaa daraadeed lacagahan baarlamaanka ayaa isku raacay, waana wax loo baahan yahay si loo dadajiyo howlaha doorasho ee na hor yaala’’ayuu yiri Dr Bayle.

Laakiin waxaa uu iska fogeeyay in lacagahan si toos ah u maamuli doonaan gudiga doorashada, isaga oo sheegay in musharixiinta lacagahan si toos ah ugu shubi doonaan Bankiga dhexe.

Mar uu soo hadal qaaday howlahooda shaqo ayuu sheegay in ay ku eg yihiin oo kaliya doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu meesha ka saaray in gudigan la magacaabay sidoo kale ka shaqeyn doono doorashada  hogaanka aqalka sare ee dalka.

‘’Howsha gudigan waa mid ku eg oo kaliya doorashada hogaanka gollaha shacabka, aqalka sare iyaga ayaa u madaxbanaan gudiyadooda iyo sida ay isku dooranayaan, gudiga aan madaxda ka ahay howshiisa waxaa ay ku eg tahay marka la doorto hogaanka sare ee gollaha shacabka, markaa kadib ayaa la magacaabi doonaa gudiga doorashada madaxweynaha’’ ayuu yiri  C/raxmaan Beyle.

Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in ay ku adkeysanayaan waqtiga ay u qabteen doorashada oo ku asteysan 11-12 bishan Janaayo ee sanadkan 2017da.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  barlm Beyle doorashada

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS