Al-shabaab oo toogasho ku dishay darawal waday gaari kuwa Qaadka ah degmada Buula-burte

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay toogasho ku dileen mid ka mid ah ganacsatada Qaadka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdi deegaanka Jameeco oo ka tirsan degmada Buula-burte.

Al-shabaab oo toogasho ku dishay darawal waday gaari kuwa Qaadka ah degmada Buula-burte

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka degmada Buula-burte Axmed Cabdi Weheliya ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen marxuumka xili uu ku sii jeeday degmada Buula-burte isaga oo ka soo anbaxay degmada Jalalaqsi.

Al-shabaab ayaa marar badan oo hore sidan oo kale  toogasho ku dilay ganacsato iyo darawalada ka shaqeysta gadiidka u daabula Qaadka deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii, darawalada kaxeeya gadiidka Qaadka isaga kala gudbiya deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa sii mara qeybo ka mid ah dhulka ay maamulaan Al-shabaab oo  ay kala kulmaan halis iyo weeraro naftooda ay ku waayaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Shabaab

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS