Abaar ba'an oo wali ka jirta gobolada dhexe

Ayadoo wali abaar ba'an ay ka jirto gobolada dhexe  ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in biyo la'aan ba'an darteed dadka iyo duunyaduba ay geeri qarka u saaran yihiin deegaanka Kaxandhaale ee u dhexeeya Mudug iyo Galgaduud.


Abaar ba'an oo wali ka jirta gobolada dhexe

Ceelasha ayaa waxaa ku jira biyo aad u yar oo dhiiqo miiran ah dadka iyo duunyadana aanan ku filnayn deegaankaas. Xoolahii ayaa le'anaya sidoo kale ayadoo in badan ay ka le'deen xoolihii.

Deegaankaa ayaa waxa laga dhaqdo ay yihiin ari iyo geel maadaama ay lo' aysan dhaqan dadka deegaankaa.

Si kastaba ha ahaatee, geelii iyo arigiiba haatan abaarta oo daba dheeraatay darteed way ka dhammaanayaan dadkii halkaa ku dhaqanaayay.

Intii soo hartay xoolahaa ayaa in badan ay fadhiisteen oo caato la fariistay oo goleyaasha iminka laga kiciyaa had iyo jeer.

Dadkii xoolo dhaqatada ahaa ayaa iminka iska fadhiya maadaama xoolihii ay badankood dhaafeen gaar ahaan dumarka iyo carruurta.

Abaarta ka sokow waxaa Soomaaliya haatan aan suuq lahayn xoolaha nool hadii inta usoo hartay xoolaha ay iibsan lahaayeen.

Dadkaa ayaa baaq u diray caalamku inuu la soo gaaro gargaar baniaadminimo.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Abaareaha Soomaalia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS