Ciidamada booliska oo adkeynaya amaanka Muqdisho inta doorashooyinka socdaan

Taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney adkeynayaan amaanka magaalada Muqdisho inta lagu gudo jiro doorashooyinka, gaar ahaan doorashada madaxweynaha iyo hogaanka baarlamaanka.

Ciidamada booliska oo adkeynaya amaanka Muqdisho inta doorashooyinka socdaan

Jeneraal Bishaar Abshir Geedi, oo ah taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney isku diyaariyeen adkeynta amaanka inta loo diyaar garoobayo doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay ciidamo badan oo boolis ah, kuwaasi oo baaraya gaadiidka isaga kala gudbaya magaalada, waxaana ciidamo cusub la geeyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyaha wuxuu sheegay in ciidamada booliska habeen iyo maalin baaritaano joogto ah ay ka sameyn doonaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Baaritaanada ayuu ku tilmaamay kuwo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo amaanka Muqdisho inta doorashooyinka ay socdaan.

Xiliyadan oo kale waxaa magaalada ka dhaca dilal iyo qaraxyo lagu qalqal gelinayo amaanka caasimada Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS