Ciidamada dowladda oo qarxiyay miino la dhigay maqaayad ku taala isgoyska Howlwadaag

 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qarxiyay miino la dhigay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala isgoyska Howlwadaag ee magalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo qarxiyay miino la dhigay maqaayad ku taala isgoyska Howlwadaag

Qaraxa miinada oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuusan jirin waxyeelo dadka ka soo gaartay miinada la qarxiyay.

Dadka ku sugnaa goobta miinada la dhigay ayaa ciidamada dowladda ku wargeliyay in miino goobta ay taalo, waxaana kadib goobta tagay ciidamada dowladda oo miinada qarxiyay.

Ciidamada dowladda ayaa helay xogta ka hor inta miinada aan la qarxin, sida ay sheegeen masuuliyiinta degmada, waxaana goobta miinada la dhigay u dhow goob fariisin u ah ciidanka dowladda.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ayaa sheegay in ciidamadda marka hore ka warheleen miinada, kadibna dadka deegaanka ay kala eryeen lana qarxiyay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa hadda ah mid degen, waxaana dib usoo laabtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  ciidan muqdisho Qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS