97 entries

Articles Published in December, 2016

Isgaarsiintii degmooyinka Hubyo iyo Xarardheere oo hawada ka maqan iyo xiisad wali halkaa ka taagan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab hawada ka saareen isgaarsiintii degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere, kaddib dagaalo dhawaan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Fargeeti “Waa sharci darro in shirkad gaar ah ku soo rogto gaadiidka Ceymis Qasab ah”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sharci darro ku tilmaamay shirkad gaar loo leeyahay oo maalmo ka hor ku soo rogtay Gaadiidka inay galaan Ceymis qasab ah.

Donald Trump oo si layaab leh uga hadlay ninkii Soomaaliga ahaa ee weeraray Jaamacadda Ohio

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaacaway jaamacad ku taalla Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo. 

RW Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal dhinac hogaanka dalka ah

Ra'iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke ee waqtigu ka dhamaaday ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay isbadal ku dhaca dhinaca hogaanka dalka, mar uu Kismaayo kula hadlayay xubnaha labada aqal ee dhawaan la doortay.

Guddoomiye Cirro oo sheegay in loo diiday inuu xabsiga ku booqdo masuul xisbigoodda ka xidhan iyo jawaabta xukuumadda

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa sheegay in loo diiday inuu saldhiga dhexe ee Hargeysa ku booqdo sarkaal ka tirsan xisbigoodda oo xidhan.

Galmudug oo ku eedeysay Puntland in jabineyso xabad joojintii horay loo gaaray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay ciidammo ka tirsan Puntland weerar ku qaadeen saldhiga dhexe maamul gobolleedka Galmudug ee ku yaalla koonfurta galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso

Doorashada Kursiga Beesha Daa’uud oo maanta dhaceysa iyo C/llaahi Sh. Xasan oo tartanka laga saaray

Doorashada Kursiga Beesha Daa’uud Abgaal oo maalmahan uu muran iyo jahwareer ka jiray cida ku tartameysa ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah inuu ka dhaco magaalada Jowhar, iyadoo ay isku soo hareen labo musharax oo ku tartami doona kursigan.

Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, kaasoo isugu jira, xil ka qaadis, isku bedel iyo magacaabis xilal cusub. 

Al-shabaab oo soo bandhigay diyaarad Drone ah oo ku dhacday Shabeelaha Hoose (Sawiro)

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa kasoo muuqday sawir muujinaya iyaga oo haya diyaarad nooca wax basaasa ah ee Drone-ka loo yaqaan taasi oo  kusoo dhacday Shabeelaha Hoose. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS