Mareykanka:Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu xukumay Minnesota

Maxkamad ku taal dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Minneapolis, ayaa xukun sanado ah waxa ay ku riday dhalinyaro Somaliyed, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku biiri rabeen Daacish.

Mareykanka:Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu xukumay Minnesota

Shalay maxkamada waxa ay xukun ku riday saddex dhalinyaro Somali ah, halka maantana sidoo kale maxkamada ay xukun ku riday saddex kale oo dhalinyaro Somali ah, waxaana sii haray saddex kale.

Ragga xukunka maanta lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Hamze Ahmed oo 15 sanadood lagu xukumay iyo Hanad Musse iyo Adnan Farah oo min 10 sano lagu xukumay.

Qaadiga maxkamada ayaa sheegay raggaan in lagu helay dambiga ah inay doonayeen ku biiritaanka Kooxda Daacish ee xoogooda ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Waalidiinta dhalay caruurtaan ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin xukunka maxkamada ay ku riday dhalinyaradaasi Somaliyed.

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa si weyn looga hadal haayaa xukunka lagu riday dhalinyaradaan Somaliyed iyo kuwa weli xukunkooda uu dhiman yahay.

Dhalinyaro badan oo Somali ah oo doonaayay inay ka tagaan dalka Mareykanka kuna biiraan Kooxda Daacish ayaa qaarkood hada ku xiran xabsiyada dalka Mareykanka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Minneapolis

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS