Askar ka tirsan ciidammada dowladda oo goor dhaw lagu dillay Beledweyne

Rag hubeysan ayaa caawa magaalada Beledweyne ku toogtay labo askari oo ka tirsanaa ciidammada dowladda federaalka.

Askar ka tirsan ciidammada dowladda oo goor dhaw lagu dillay Beledweyne


Labada askari oo lagu dillay xaafadda Buundo-weyn  ayaa waxaa goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay, sidda ay inoo sheegeen dadkii goobta agdhawaa.

Ma'aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale askar ka tirsan ciidammada dowladda lagu dillo isla xaafaddan Buundo-weyn oo marar badan oo hore siddan oo kale kooxo aan la garaneynin toogasho ugu geysteen askar ka tirsan ciidammada dowladda ee gobolka Hiiraan,.

Goobta waxaa tagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo wadda baaritaano la xiriira dilka, lamana sheegin ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilkan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baladweyne

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS