Ugaas Xasan “Meel aan Hiiraan aheyn Xildhibaanada lagama qori karo”

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka soo hor-jeestay soo jeedintii ka timid qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ku saabsanaa in Xildhibaanada labada gobol laga soo xulo magaalada Muqdisho.

Ugaas Xasan “Meel aan Hiiraan aheyn Xildhibaanada lagama qori karo”

Ugaas Xasan oo ka hadlayay kulan magaalada Beledweyn maanta ku yeesheen Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Muqdisho lagu soo doorto Xildhibaanada Gobolka Hiiraan

“Meel aan aheyn Gobolka Hiiraan Xildhibaanada reer Hiiraan lagama qori karo, ma yeeleyno afduub, nimanka duubabka dhaqanka ee la yiri 16 duub ayaa joogtay, meeqaa sax ah iyo meeqaa been ah”ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Waxaa uga digay Guddiga doorashooyinka inay ku dhaqaaqaan arrintan, kana fikiraan tallaabooyinka ay qaadayaan iyo waxa ka dhalan kara.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay inay qiimeynayaan soo jeedinta qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxaana Guddoomiyaha Guddiga uu sheegay in aan laga maarmi doonin talada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo bil ka hor lagu caleema saaray magaalada Beledweyn ayaa si ad-adag uga soo hor-jeesta hadalada dowladda Federaalka, isagoo horay u diiday ka qeyb galka maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baladweyne

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS