Dhageyso:Dr. Axmed C. Dahir “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday muranka haatan ka taagan Badda, kadib markii ay si qaldan xuduuda u calaameysatay, iyadoo ka faa’ideysaneysa dowlad la’aanta Soomaaliya.

Dhageyso:Dr. Axmed C. Dahir “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Heshiiskii MOU ee is fahamkii labada dal gaareen si qalad ah loo fasirtay, isagoo xusay in is fahamkaas aanu aheyn mid lagu xalinayo muranka badda ama xadeynta badda.

“Cid muran galisay ma jirto Badda dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna ma jiro, Dowladda Kenya iyadaa iskeed u jeexatay 2005 calaamadeysatay biyaha Soomaaliya, isla markaana shirkado ajnabi heshiis la gashay, murankana maalintaas ayuu bilowday, iyadoo ka faa’ideysaneysa bur burkeena iyo dowlad la’aantii”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in qarreenada u doodaya Soomaaliya ay jawaabo wanaagsan ka bixiyeen doodii Kenya, isla markaana si cad uu qayaxan u soo bandhigeen Qarreenada in Maxkamadda ay awood u leedahay inay dacwadan qaado, marka dhinac walba laga eego, sida heshiiskii MOU.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  ilaaliyaha Soomaaliya Xeer

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS