Banaan bax looga soo horjeedo muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Banaan bax looga soo horjeedo muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaan baxan ayaa saaka ka dhici doona Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan, halkaasoo shacabka degan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir loogu baaqay inay isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan Qadiyadda Badda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir inay isugu soo baxaan banaan bax nabadeed oo ujeedkiisa yahay sidii ay u muujin lahaayeen in aanay Badda Soomaaliyeed iib aheyn, isla markaana shaki la gelin karin.

Sidoo kale banana baxa ayaa looga soo hor-jeedaa damaca Kenya ay ku dooneyso Badda Soomaaliya ay leexsato qeyb ka mid ah oo la rumeysan yahay inay yihiin goobaha ku jira kheyraadka, sida Batrool.

Banaan baxa maanta ka dhacaya Muqdisho ayaa ku soo beegmayaa, iyadoo maalintii 3aad ay galeyso dhageysiga dooda dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana shalay la dhageystay qareennada u doodayay Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Raiisul UK Wasaaraha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS