83 entries

Articles Published in September, 2016

UN iyo AU oo isku khilaafsan qorshe lagu xirayo wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho

 Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa isku khilaafsan qorshe la doonayo in lagu xiro wadada muhiimka ah ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM4, iyadoo ay sii kordhayaan werarada qaraxyada ah ee ururka Al-Shabaab ka geysanayo magaalada Muqdisho.

Qarax Miino oo ciidamo ka tirsan Puntland lagula eegtay duleedka Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Puntland qarax miino lagula eegtay deegaanka Bali-qadar oo dhaca duleedka Boosaaso.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo la soo hormariyay

Shirka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu dhaco 7-da bishan September ayaa la soo hormariyay.

Ugaas Xasan “Waxaa ka xumahay in Maxamed Cabdi Afey uu kala garan waayo Islii iyo Hiiraan”

Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyn waxay kaga soo hor-jeesteen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in maalinta Sabtida ah dib uga furmo magaalada Jowhar.

Madaxweynaha “Ugaas Xasan, waa ugaaskeyga, tixigelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay”

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dood Wadaag oo si toos ah uga baxayay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen dadkii ka qeyb galayay oo isugu jiray Culumaa’udiin, Haween, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Alshabaab oo saddex ruux rayid ah ku diley deegaanka Biyo Cade ee gobolka Sh/dhexe

 Wararka ka imanaya deegaanka Biyo-cadde ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay lagu diley deegaankaas saddex ruux oo rayid ah oo kamid ah dadka ku nool deegaankaas.

SUUQA ISLII OO XIRAN MALINTII 3-AAD

Kadib markii guddiga ganacsatada xaafada Islii ee Nairobi ay ku dhawaaqeen shaqo joojin muddo 3 maalmood ah ayaa maanta ay tahay maalintii 3aad ee dukaamadu xiran yihiin.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdweli Gaas oo dib ugu laabtay Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii uu maalmihii la soo dhaafay uu dibada ugaga maqnaa dalka. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

  Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Shirka Jowhar oo aan wali furmin iyo caqabad kale oo ku soo fool leh

 Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maanta lagu wado inuu furmayo ayaa la sheegayaa inuu baaqday, iyadoo uu soo baxayo khilaaf cusub oo ku aadan habka maamul u sameynta labada Gobol.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS