Wasiir Hadliye”Ciidanka loo dirayo Koofurta Suudaan Ciidankeenu kuma jiro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salan Hadliye Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay in Ciidamada Afrikaanka ah ee Nabad Ilaalinta loo geynayo Wadanka Koofurta Suudaan oo uu ka soconayo Dagaal Sokeeye in ay ku jiraan Ciidamo Soomaali ah.

Wasiir Hadliye”Ciidanka loo dirayo Koofurta Suudaan Ciidankeenu kuma jiro”

Mr Hadliye  ayaa sheegay in Ciidan Soomaaliyeed aan loo direyn howlgalka nabad ilaalinta ee Waddamada Bariga Afrika ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan Waddanka Koofurta Sudaan,halkaas oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Waddamada Itoobiya,Uganda iyo kuwo kale ay ka qeyb gelayaan Ciidamada loo dirayo dalkaasi,waxaan uu sheegay in hadda aysan Soomaaliya ku jirin isaga oo aan meesha ka saarin suurta galnimada in loo baahan karo Ciidan Soomaaliyeed.

Wadamada ku bahoobay Ururka Midawga Afrika ayaa horay isugu raacay in Ciidan Nabad Ilaalin ah oo ka socda Dalalka Afrika loo diro Koofurta Suudaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Hadliye Wasiir

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS