75 entries

Articles Published in August, 2016

Maraykanka oo duqeeyay fariisimo ay IS ku leedahay dalka Libya

Maraykanka ayaa duqeyn u geystay fariisimo ay ururka IS ku leedahay dalka Libya kadib markii ay ka codsadeen dowlada Libya ay taageerto Qaramada midoobay.

Madaxweynaha oo dhiira geliyay Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galay Tartanka Olimbikada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil. 

Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Iyadoo uu jiro shaki ku aadan inay dib u dhacday doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo bisha September ee soo socota, isla markaana bishan Agosto gudaheed la soo xulo Baarlamaan cusub ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho shir uga furmo Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal ka helay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Tobias Ellwood.

Maxkamada ciidamada Uganda oo ku xukuntay xabsi hal sano ah Maj Bob Francis (Sawiro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay dacwado loo heysto 17 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirka Madasha Wada-tashiga oo maanta laga soo saarayo Jadwalka Doorashada

 Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo go’aan laga gaari doono xilliga ay dhaceyso doorashada.

Askari ka tirsan Booliska Maraykanka oo loo haysto inuu xiriir la lahaa IS

Askari ka tirsan ciidamada Booliska Maraykanka kana howlgalayay xarunta gaadiidka magaalada Washington ayaa lagu helay dambi ah caawinta maleeshiyaad ka tirsan ururka IS.

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo ku baaqay in la dhiso Xukuumad xilka sii heysa

 Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo maanta dood cilmiyeed ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mowqifkooda ku aadan dhamaanshaha mudada dastuuriga ah ee Barlamaanka iyo madaxweynaha.

Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Muungaab oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha Caddaalada

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa goor dhow loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Caddaalada.

SAWIRRO: Saraakiisha Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ka Shiray Hawl-gallada Al-shabaab

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay dib u billaabida Hawl-gallada ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan tahay Gobollada Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS