Mid ka mid odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo isku day dil ka bad baaday

Mid ka mid ah Odayaashii dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ka bad baaday isku day la doonayay in lagu khaarijiyo, kadib markii gaarigiisa loogu xiray qarax.

Mid ka mid odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo isku day dil ka bad baaday

Nabadoon Maxamed Xasan Qalinle ayaa ka bad baaday qaraxa loogu xiro gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari.

Nabadoonka ayaa sheegay in uusan ogeyn halka loogu soo xiray, balse mar kaliya uu maqlay qaraxa, isagoo gurigiisa ku jiray.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in qaraxa aanu wax khasaare ah uusan geysan, isla markaana nabadoonka uu bad-qabo.

Waxaa uu sheegay in laga feejignaado baabuurta la dhigto banaanka oo ay suura gal tahay in waxyaabaha qarxa loogu xiro.

Dhowaanahan ayaa waxaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho qaraxyada magnada leh ee lagu dhejiyi baabuurta, kaasoo dad dhowr ah lagu dilay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS