Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo balan-qaadkii uu u sameeyay Wariye Black

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisa ahaa inuu Wariye C/risaaq Cilmi Black loo qaadi doono caafimaad dibadda ah, kadib amrkii xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayay dalka.

Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo balan-qaadkii uu u sameeyay Wariye Black

Kulan ay isugu yimaadeen Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo London ayaa waxaa Madaxweynaha laga codsaday inuu dedejiyo balan-qaadkiisa ahaa in Caafimaad dibadda loo qaadi doono Wariye C/risaaq Black oo muddo saddex jeer qaliin maray.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiiyinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisa, isagoo xusay inay dareensan yihiin howsha qaran ee Madaxweynaha dalka u haayo, balse aan bukaanka waqti dheer dalka lagu heyn karin.

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa sheegay inay dareensan yihiin Madaxweynaha ku mashquulay howlo siyaasadeed, hase ahaatee ay ogyihiin in aanu hilmaamin, waxaa uu ka codsaday in la dedejiyo sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa Wariye Black.

Maxamed Maxamuud Dhoore oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London oo ka hadlayay kulan lagu soo dhoweynayay Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa sheegay in madaxweynaha uu horay u balan qaaday sidii C/risaaq Black dibada caafimaad loogu qaadi lahaa, haatana ay ka sugayaan inuu balan-qaadkaas uu fulo.

Wariye C/risaaq Cilmi Black ayaa sanadkii 2014 lagu dhaawacay meel ku dhow hoygiisa, waxaana tan iyo xilligaas uu ahaa bukaan socod, isagoo saddex jeer maray qalliin dhinaca caloosha, dhaqaatiirta ayaa sheegay in aan xaaladiisa dalka waxba looga qaban karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 27-kii bishii May balan-qaaday inuu caafimaad dibadda u qaadi doono Wariye C/risaaq Black.

“C/risaaq Black arintiisa aad iyo aad ayey u xanuun badan tahay , dhowr mar ayuu qaliin galay waan la socdaa xaaladiisa, Black waa la daaweynayaa, daaweyntiisa aniga ayaa ballan qaadaya, meeshii inoogu fudud una dhaqso badan ayaan caafimaad ugu qaadeynaa Alllaah ayaana kaga baryayaa inuu cafimaad deg deg ah siiyo”ayuu yiri Madaxweynaha mar uu ka hadlayay xaalada caafimaad ee Wariye Black.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Black Wariye

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS