Dowlada Turkiga oo bil walba siineysa dowlada Soomaaliya 2 Malyan oo Dollar

Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Dowlada Turkiga oo bil walba siineysa dowlada Soomaaliya 2 Malyan oo Dollar

Wargeyska Rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah  warkan shaaciyay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah lagu kabayo misaaniyada dowlada Somaliya iyo   adeegyada hay’adaheeda, iyadoo loo siinayaa Somaaliya si qeyb qeyb ah.

Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar  la siinayo Soomaaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaareen.

Sida laga warqabo waxaa Todobaadkan  dekeda magaalada Muqdisho ku soo xirtay markab Turkiga leeyahay oo sida gargaar bani’aadanimo oo lagu qiimayay $8 milyan  looguna tala galay dadka  Soomaaliyeed ee wax yeelada ka soo gaartay  daadadka iyo abaartii dalka ku dhufatay.

Warkan ka soo baxay dalka Turkiga ayaa ku soo beegmaya maalmo kahor xilli lagu wado in uu markii saddexaad soo booqdo Soomaaliya Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Hase yeeshee  dowlada Soomaaliya iyo dowlada Turkiga ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin booqashada Madaxweyne Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  deeqay lacaga oo Somalia Turkiga ugu

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS