101 entries

Articles Published in June, 2016

Shirka Madasha Wadatashiga oo Wali Socda iyo Qodobo Xasaasi ah oo wali muran uu ka taagan yahay

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ee kasocda xarunta Madaxtooyada ayaa galay maalintii afaraad oo xariir ah, waxaana wali shirka uu yahay mid ay ka taagan dood adag oo ku aadan sida ay u dhaceyso Doorashada dalka iyo Maqaamka uu yeelanayo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Turkiga oo xalay ka degay magaalada Kampala ee dalka Uganda (Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa safarkiisa Geeska Afrika ku bilaabay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kadib markii uu marti-qaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK oo Muqdisho ku soo fool leh

Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda UK Philip Hammond ayaa maalinta berri lagu wadaa in booqasho hal maalin ah ku yimaado magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. 

Dowlada Turkiga oo bil walba siineysa dowlada Soomaaliya 2 Malyan oo Dollar

Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Dowlada Kenya oo waqti kama dambeys ah u qabatay xiritaanka xerada qaxootiga Dhadhaab

Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday waqtiga ugu dambeysa ee albaabada u soo laabayso xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ah xerada qaxootiga ee caalamka ugu weyn.

Maxaa ka soo kordhay weerarkii Hotel Ambassador, rasaas wali la maqlayo(Sawiro)

Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hotelka Ambassador, halkaasoo galabta dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen.

Xildhibaan ka badbaaday weerarki Hotel Ambassador oo ka sheekeynaya wixi uu indhihiisa ku arkay

Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaaka federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadki ka badbaaday weerarka hotel Ambassador ayaa ka warbixiyey sidi uu u dhacay weerarka.

Ciidamada NISA oo soo afjaray howl galkii Hotelka Ambassador

Ciidamada NISA ayaa goor dhow oo saaka ah soo afjaray howl galkii ka socday Hotelka Ambassador, halkaasoo shalay galab Al-Shabaab ay weerareen, iyadoo howl galka ka socday hotelka uu qaatay in ka badan 10-saac. 

Daawo Sawirro: Booqashada Madaxweynaha Turkiga markii 3aad uu ku yimid Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta markii 3aad booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo uu xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga ka furtay magaalada Muqdisho, kaasoo ah Safaaradooda ugu weyn ee Caalamka.

Madaxweyne Erdogan oo goor dhow ka dhoofay Muqdisho

 Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo goor dhow ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS