Wararkii ugu dambeeyay shirarka ku saabsan dhismaha Aqalka sare

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa shirar aan loo kala kicin shalay illaa iyo xalay uga socday Xarunta Madaxtooyada, iyadoo shirarkan ay ahaayeen kuwo albaabada u xirnaa,  loogana hadlayay muranka ka jira dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Wararkii ugu dambeeyay shirarka ku saabsan dhismaha Aqalka sare

Shirarkan ayaa looga arrinsanayay arrinta Gobolka Banaadir ee ku aadan inuu matalaad ku yeesho Aqalka sare ee Baarlamaanka, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ay ka soo horjeedaan in Gobolka Banaadir aan lagu soo darin Aqalka sare.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka soo horjeeda in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii 12-kii bishii April ee go’aamadii Madasha Wadatashiga qaran, iyagoo ka soo horjeeda in Gobolka Banaadir lagu soo daro aqalka sare.

Madaxda ayaa wali ku kala aragti duwan arrinta Gobolka Banaadir oo muran badan uu ka jiro, waxaana maanta oo Axad lagu wadaa in kulamada u socda go’aano laga soo saaro.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay dib u dhigay illaa labo maalmood kulanka Baarlamaanka ee looga doodayay heshiiskii hanaanka doorashada oo wali aan la ansixin, waxaana Guddoomiye Jawaari uu codsaday in fursad la siiyo kulamada masiiriga ah ee u socda Madaxda Madasha wadatashiga qaran.

Madaxda dowladda ayaa laga sugayaa inay go’aano soo saaraan, ka hor inta Golaha ammaanka uusan maalinta berri oo Isniin ah go’aan kama dambeys ah ka soo saarin doorashooyinka, kadib markii xubnaha Golaha ammaanka ay walaac ka muujiyeen dib u dhacyada wali ka jira diyaar garowga doorashada.

Lama oga sida uu noqon doono go’aanka ugu dambeeya ee ay qaadan doonto dowladda Federaalka, iyadoo Baarlamaanka uu wali hor-taagan yahay heshiiskaas, isla markaana qodobada qaar ee ku jira wax ka bedel ku sameeyay, si loo sharciyeeyo.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Doorashooyinka Shirka Somalia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS