6 entries

Articles Published on May 22, 2016

DEG DEG: Madaxweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashooyinka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay shirarka ku saabsan dhismaha Aqalka sare

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa shirar aan loo kala kicin shalay illaa iyo xalay uga socday Xarunta Madaxtooyada, iyadoo shirarkan ay ahaayeen kuwo albaabada u xirnaa,  loogana hadlayay muranka ka jira dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Xaalada magaalada Beledweyn oo saaka degan

Xaalad degenaansho ayaa saaka ka jirta magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib dagaalo culus oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada, kaasoo dad badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Tanzania oo ceyriyay Wasiir, isagoo cabsan hortagay Baarlamaanka

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa ceyriyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Charles Kitwanga, kadib markii isagoo cabsan uu hor-tagay Baarlamaanka, su’aalana ka jawaabay.

Hogaamiyihii Ururka Taliban oo lagu dilay duqeyn cirka ah

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn uu ka fuliyay xuduuda Pakistan iyo Afghanistan uu ku dilay hogaamiyihii ururka Taliban Mullah Akhtar Mansour, kaasoo sanadkii la soo  dhaafay lagu bedelay aas aasihii ahna hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Taliban Mullah Omar.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS