Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay in xilliga kala guurka la boobo hantida qaranka

Iyadoo Soomaaliya gashay marxalad kala guur ah, lana filayo in dhamaadka sanadkan uu dalka ka dhaco is bedel, marka la gaaro doorashooyinka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxay ka digtay in la boobo hantida qaranka.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay in xilliga kala guurka la boobo hantida qaranka

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa uga digay Mas’uuliyiinta dowladda in aysan ka faa’ideysan kala guurka, loona baahan yahay in hantida qaranka ay ilaaliyaan.

“Qof kasta oo idin ka mid ah, hantida uu qaranka u haayo waa inuu ilaaliyo, cid kasta oo timaado lagu wareejin karo, ma jirto wax la yiraahdo kala guur, waxaan qaranka baa leh, qaranka ayaana loo heynayaa, dowlad cusub marka ay timaado sideeda lagu wareejinayaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka hadlayay munaasabad ay xilal kula wareegayeen Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare iyo Guddoomiyaha cusub.

Mr Carte ayaa sheegay in hantida umadda aan la xalaaleysan karin, isla markaana cid walba lala xisaabtamayo, isagoo ku baaqay in lagu fara adeego hantida iyo mas’uuliyada la haayo, si looga fogaado wax lunsi.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa ka digaya in xilliga kala guurka ee la galayo ay xubnaha dowladda ee hada xilalka haya ka faa’ideystaan, hantida qarankana loo adeegsado arrimo kale, sida doorashooyinka la galayo.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dalka garsoorka somalia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS