Faah Faahin Qarixii Xarunta ciidanka Taraafikada iyo Al-Shabaab oo sheegatay (Sawirro)

 Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday xarunta Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Taraafiko, iyadoo weerarkan ay mas’uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Faah Faahin Qarixii Xarunta ciidanka Taraafikada iyo Al-Shabaab oo sheegatay (Sawirro)

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo qof naftii hure uu kaxeynayay, kaasoo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta.

Qaraxa kadib ayaa qof hubeysan oo doonayay inuu gudaha u galo ayaa waxaa toogtay ilaaladii ku sugneyd Xarunta Taraafikada ee degmada Shingaani.

Guddoomiyaha degmada Shingaani ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada ilaalada wadooyinka iyo labadii ruux ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay sideed ruux, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah oo goobta qaraxa ka dhacay ku lahaa goobo ganacsi.

War goor dhow na soo gaaraya ayaa sheegaya qof ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee goobta ganacsi ku lahaa agagaarka xarunta la weeraray uu u dhintay dhaawaca ka soo gaaray qaraxii saakay, waxaana tirada ku dhimatay ay ka dhigeysaa lix ruux

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay sagaal askari, waxaana ay ku goodisay inay beegsan doonto xarumaha dowladda.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee lagu qaado xarunta Taraafikada oo ah xarun ay ku howl galaan Ciidamada Nabadgelyada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafiko, kuwaasoo hoos taga Taliska Booliska Soomaaliyeed.

20160509_081922-640x38520160509_081916-640x38520160509_081734-640x38520160509_081721-640x38520160509_081709-640x38520160509_081643-640x38520160509_081641-640x385

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Muqdisho Qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS