113 entries

Articles Published in May, 2016

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha DDSI oo maanta wada hadal ku dhex maraya Jigjiga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta wada hadal la yeelanaya Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar.

Howl gallo laga sameeyay Baydhabo oo rag lala xiriirinayo Al-Shabaab lagu qabtay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in howl gallo xalay ciidamada ammaanka ee Koofur Galbeed ka sameeyeen xaafadaha magaaladaas lagu qab qabtay dad fara badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Shaqaalaha dowladda oo labo maalmood la fasaxay

 Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka ayaa Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay muddo labo cisho fasaxday dhamaan shaqaalaha dowladda.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso

Jen. Xaamud “Booliska Soomaaliya ma heystaan agab ciidan oo ku filan”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay jiraan culeysyo badan oo eysta ciidanka Booliska, kaasoo caqabad ku noqday howshooda.

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo guulo ka soo hoyay Tartan ka dhacay dalka Qubrus (Sawirro)

Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaamacaddii ugu horeysay ee dalka laga hirgeliyay burburkii kadib bulshadana gaarsiisay adeeg waxbarasho oo tayo leh lana mid ah kan caalamka waxay mudadii ay jirtay ka mid noqotay xubin fir fircoona ka tahay ururo Jaamacadeed oo caalami ah iyo kuwo heer gobal ah oo ay la wadaagto halbeega waxbarasho ee caalamka, tayada iyo waxqabadka hufan.

Kulankii Baarlamaanka ee su’aalaha lagu weydiin lahaa Ra’iisul Wasaaraha oo baaqday

 Waxaa maanta dib u dhac ku yimid kulan Baarlamaanka su’aalo ku weydiin lahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, kadib markii Sabtidii la soo dhaafay uu Baarlamaanka hor-geeyay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Shan sano oo ka soo wareegatay dilkii Hogaamiyihii Al-Qaacida Bin Laden

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bur burisay qeyb weyn oo ka mid ah ururweynaha Al-Qaacida, iyadoo shan sano ay ka soo wareegatay markii Ciidamada gaarka u tababaran ee Mareykanka ay dalka Pakistan ku dileen Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden.

Golaha Ammaanka ee QM oo booqasho ku tagaya Soomaaliya, ka hor doorashada Agosto

 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishan socdaal ku tagi doona Soomaaliya, si ay u taageeraan doorashada bisha Agosto dhici doona, sida uu sheegay Safiirka Masar u fadhiya Qaramada Midoobey ahna Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bishan Amr Aboulatta.

Madaafiic hoobiyeyaal oo xalay saqdii dhexe lagu garaacay Xerada Xalane

Dhowr madaafiic ayaa xalay abaarihii 1-dii saq dhexe lagu garaacay Xerada Xalane ee ku dhegan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Talis u ah howl galka AMISOM.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS