4 entries

Articles Published on April 4, 2016

Akhriso Heshiiska dowladda Federaalka iyo Puntland oo dhameystiran

 Waxaa goor dhow magaalada Garowe lagu saxiixay qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhacaya sanadkan 2016, kadib wada hadalo labo todobaad u socday dowladda Federaalka iyo Puntland.

Gaas “Madaxweynaha wuxuu rabay inuu si ula kac u fashiliyo heshiiska Garowe”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayay inuu fashiliyo heshiiska Garowe, kadib markii uu shalay soo saaray war saxaafadeed uu ku soo dhoweynayo heshiiska.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in 10-ka bishan uu furmi doono Kalfadhiga 8aad

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in 10-ka bishan April uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waqtigiisa ka harsan yahay mudada afarta bilood.

Laamaha Amniga oo sheegay in la soo qabtay rag lagu tuhmayo dilalkii ka dhacay Muqdisho

Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howl galo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir lagu soo qabtay dad looga shakisan yahay dilalkii 48-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS