102 entries

Articles Published in April, 2016

Madaxweynaha “Ciidamada qalabka sida duulaan ayay ku qaadeen Al-Shabaab”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu xalay bilowday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo tan iyo shalay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayay deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Dalxiise British ah oo jecel inuu ku dalxiiso dalalka ay dagaaladu ka socdaan (Sawiro)

Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska Andy Drury ahna 50 sano jir ayaa xilliyada uu fasaxa yahay waxa uu dalxiis ku tagaa wadamada dunida ay dagaaladu ka dhacayaan sida dalka Soomaaliya,Afghanistaan, CIraq iyo Pakistan.

Wararkii ugu dambeeyay kulamada Garowe oo wali wax natiijo ah ka soo bixi la’yihiin

 Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in aan wali wax is afgarad laga gaarin kulamo u socda dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, kaasoo looga hadlayay hanaanka doorasho ee sanadkan 2016 ka dhacaya Soomaaliya.

Cali Baashi “Ciidamada Kumaandooska waxay sii wadayaan weerarada qaaska ah”

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Cali Baashi Maxamed Xaaji ayaa faah faahin ka bixiyay howl gal ay ka qeyb qaateen Ciidamada Kumaandooska oo taageero ka helayay Mareykanka, kaasoo lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Hal sano oo ka soo wareegatay weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Sanad ayaa ka soo wareegatay markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen maanta oo kale 2-April sanadkii hore Jaamacadda Magaalada Gaarisa, halkaasoo lagu dilay illaa 149 u badnaa Arday.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

  Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso

Nin u dhashay Tanzania oo Al-Shabaab ku dileen degmada Jilib

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in nin u dhashay Tanzania oo ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab lagu dilay meel fagaare ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

Wasiirka A. Dibadda Itoobiya, Axmed Madoobe iyo Ergeyga QM oo ku wajahan Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta lagu wado inay gaaraan wafuud heer sare ah oo ka socda Beesha caalamka, si ay goob joog uga noqdaan heshiis la sheegay in laga gaaray hanaanka doorashada u dhaceyso sanadkan.

Afhayeenka Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadlay duulaankii Puntland

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay duulaankii ay bishii hore ku qaadeen Puntland, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo boqolaal gaarayay ay doonyo ku gaareen xeebta deegaanka Garacad iyo kuwa kale.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS