5 entries

Articles Published on March 28, 2016

Yuusuf Dabageed “Odayaasha reer Hiiraan intooda badan waxay isku raaceen in Jowhar la tago”

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in inta badan odayaasha gobolka Hiiraan ay isku raaceen in la tago magaalada Jowhar, halkaasoo ay taallo gogosha maamul u sameynta labada gobol.

Muwaadin Somali Canadian ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa xalay Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaali Canadian ah, kaasoo lagu dhex toogtay masaajid uu salaadii maqrib ku dukanayay oo ku yaal degmada Huriwaa.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta booqanaya goobihii lagu dagaalamay

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo goobihii lagu dagaalamay ee bariga Gobolka Galgaduud, halkaasoo maalmo ka hor ay soo galeen dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ka soo firxaday dhanka Puntland.

Xildhibaan Goodax “Madaxweynaha wuxuu laaluush ku bixiyay kala qeybinta qabaa’ilka Hiiraan”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/llaahi Goodax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu kala qeybiyay qabaa’ilka dega Gobolka Hiiraan, kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka ay aqbaleen inay shirka Jowhar ka qeyb galaan.

TACSI: AXMED CUSMAAN JEELLE

Innaa Lillaahu Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS