Madaxweynaha oo ka hadlay xuquuqda ay helaan Ciidamada dowladda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si toos ah u helaan xuquuqdooda, isagoo meesha ka saaray in aanay jirin askari aan helin mushaar.

Madaxweynaha oo ka hadlay xuquuqda ay helaan Ciidamada dowladda

Madaxweynaha ayaa sheegay inay badatay hadal heynta ku aadan in Ciidamada aanay wax mushaar ah helin, balse waxaa uu qiray in mushaarka uu ka soo daaho, balse ay helaan sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa badatay in la dhaho xuquuqda ciidamada waa maqan tahay, anaga waxaa nahay dowlad maskiin ah oo dhaqaalaheeda xadidan yahay, waxa soo gala ay kooban tahay, kaalmada caalamiga ee aan helnana aad iyo aad ayay u kooban tahay, dib u dhac waa jirtaa, laakiin askari mushaar qaadan ma jiro”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in askariga mararka qaar uu ka soo daaho mushaarka bil illaa saddex bilood, balse aanu jirin askari loo waayo wax mushaar ah.

“Askariga Somaaliyeed intooda badan garaam kama maqnaado, mushaarka waa maqnaan karaa, askari baahi sheegan karo ma jirto, bil kama baaqan, waa been abuur waxa la wado ee la leeyahay askarta waa qadsan tahay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa faray Wasiirada Difaaca, Amniga iyo Maaliyadda inay dadka u sharaxaan oo ay idaacadaha fariistaan, iyadoo aan wax la qarineyn ay sheegaan wixii dowladda karaankeeda ah ee la qabtay iyo wixii awood dhaqaale ee la hayay in askarta dowladda ay helaan mushaar.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowr jeer oo hore ay soo baxday warar sheegayay in ciidamada dowladda aanay muddo bilo wax mushaar helin, isla markaana ka maqnaado garaamkooda.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Madaxweynaha Soomaaliya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS