Qaraxyo is xig-xigay oo goor dhow ka dhacay degmada Baardheere

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qaraxyo is xig xigay ay goor dhoweyd ka dhaceen magaalada, kaasoo ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aaso.

Qaraxyo is xig-xigay oo goor dhow ka dhacay degmada Baardheere

Qaraxyada oo ahaa illaa shan qarax ayaa ka dhacay wadada laamiga, waxaana lala eegtay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo halkaas marayay.

Goob joogayaal ku sugan Baardheere ayaa sheegaya in qaraxyada ay xigeen rasaas ay ridayeen ciidamada, waxaana qaraxyada ay ahaayeen kuwii qal qal geliyay dadka deegaanka.

Dhaawacyo ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ay fureen ciidamada, waxaana la xaqiijiyay inay jiraan dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay.

Isgaarsiinta degmada ayaa hawada laga saaray, wax yar kadib markii qaraxyada ay dhaceen, waxaana socda howl gal ay wadaan ciidamada.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya iyo Itoobiya ayaa bartamihii sanadkii la hore la wareegay Baardheere, halkaasoo muddo sideed sano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Bardheere

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS